Home
Wasiirada Xafiiska Biyaha DDSI oo Ka Warbixisay Guulaha Waxqabadka Xafiiska Rubicii 1aad ee 2005TI.

Jigjiga(CakaaraNews)Axad October 28,2012.Wasiirada Xafiiska horumarinta khayraadka Biyaha DDSI Marwo Fartuun Mahdi Cabdi ayaa Wariyaha cakaaranews ka siisay waxqabadka xafiiska ee Rubaca ay ka qabteen Dhinaca Biyaha kuwasoo isugu jira Mashaariicaha biyo-galinta,Dayactirka Ceelasha iyo balaadhinta,Qoditaanka ceel-biyoodk agunta dhaadheer iyo Daraasaadyo uu xafiisku ku soo sameeyay Goobaha ay biyo la'aanta badani ka jirto ee Baraagaha laga cabo.
Marwo Fartuun Mahdi oo ka bixinaysa Faahfaahin dheeraad ah Waxqabadka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI ayaa Wariyaha cakaara uga faalootay, Mashaariicda biyo galinada, Biyo balaadhinta iyo Qoditaanka Ceelasha biyaha ayaa ugu horayn sheegaty Rubicii 1aad Goobaha uu xafiisku ka qoday Ceelasha biyaha ee laga cabo wakhti xaadirkan,islamarkaana qorshayaasha xukuumada ee ugu waawayn ay ka mid tahay sanadkan sidii culayska loo saari lahaa kaydka biyaha ayay tidhi.









